Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay in xal loo helo xalinta 30 maalmood oo xabbad joojin ah Beriga Suuriya

Qaraarkan la ansaxiyay, ayaa wuxuu oggolaan doonaa in gargaar loo keeno dadka Rayidka ah iyo in dadka dhaawaca ah loo daadgureeyo Goobaha caafimaadka.

Codka, Ayaa maalin Nimadii Shalay dib loo dhigay muddo ka badan 24 saacadood sababo la xadhiidha khilaafka u dhexeeya Ruushka iyo xubnaha kale ee Golaha Ammaanka ee ku saabsan xallinta Xabad Joojinta Suuriya.

Nikki Haley, Safiirka Maraykanka u fadhiya QM, ayaa ku dhaleecaysay Ruushka in dib loo dhigo Shirwaynaha Xalka Loogu Raadinaayay Xabad joojnta Suuriya.

“Dhibaato kasta oo ka mid ah xallinta Dagaalada Beriga Magaalada Quuto, ayaa isbeddelay, ayay tiri kadib codbixintii.

War saxaafadeed Kasoo Baxay xarunta Qaramada Midoobay ee New York, ayaa lagu sheegay in Ruushku uu diiday “xabad joojin degdeg ah” ee Suuriya

Qaraarkan la ansixiyay ayaa ku baaqay in xabbad joojinta “aan dib loo dhigin Markale

Diyaaradaha dagaalka ee dowladda Suuriya ayaa weerar ku qaaday meelo ka baxsan magaalada Dimishiq ee galbeedka magaalada Quuta daqiiqado ka dib markii codadka la ansixiyay, sida laga soo xigtay Hay’adaha Suuriya u qaabilsan xuquuqda aadanaha (SOHR).

Dhimashada ayaa ilaa hada maraysa In kabadan 500 oo qof, oo ay ku jiraan Daraasiin caruur ahi, tan iyo Axaddii, sida ay sheegeen Hay’adaha Bina-aadanimada Ee Suuriya

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga