Qaramada Midoobay ayaa si kulul uga hadashay qaar ka mid ah saraakiisheeda oo ay caydhisay dawladda Itoobiya kadib eedaymo ay u jeedisay.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay tallaabada Itoobiya isagoo sheegay in ay saamayn doonto shaqada ay hayeen saraakiisha la eryay.

Itoobiya ayaa 7 ka mid ah saraakiisha ugu sarreeya Qaramada Midoobay ee dalka Itoobiya u qabatay in ay 72 saacadood kaga baxaan gudaha dalkaas, kadib markay ku eedaysay in ay warar been ah ka faafiyeen xaaladda gobolka Tigrayga.

Qaramada Midoobay ayaa weli dalbanaysa in gargaarka ay wado loo ogolaado in uu gudaha u galo gobolka Tigrayga oo imika macaluul ay dadku u dhimanayaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga