Qaramada Midoobaya ayaa dawladda Itoobiya ku eedaysay in ay xidhxidhay qaar ka mid ah shaqaalaheeda ku sugan gudaha waddanka Itoobiya.

Illaa 16 shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa lagu xidhay Addis Ababa iyadoo weli aan la sheegin sababta absiga loo dhigay.

Qaramada Midoobay ayaa ku warantay in 6 kale oo shaqaalaheeda ah lasii daayay, iyadoo kala hadashay dawlada Itoobiya sii-daynta shaqaalaha kale.

Itoobiya waxay hore dalkeeda uga caydhisay saraakiil sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay kuwaas oo ay ku eedaysay in ay ku dhex milmeen arimaha Itoobiya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga