Qaramada Midoobay waxay dalbanaysaa balaayiin dollar oo ay sheegtay in ay wax kaga qabanayso xaaladaha qalafsan ee ay wajahayaan in badan oo ka mid ah shacabka wadamada Itoobiya iyo Afkaanistaan.

Waa adduun badan oo lagu sheegay $41 billion, waana xadi lacageed oo ay suurtagal tahay in aanay helin Qaramada Midoobay inkasta oo ay baahiyo badan ka sheegtay wadamada ay u dalbanayso.

183 million oo qof ayay Qaramada Midoobay sheegtay in sanadka danbe ay u baahanyihiin gargaar kala duwan dunida oo dhan, balse waxay si agar ah usoo qaateen Itoobiya iyo Afkaanistaan.

Deeq-bixiyayaasha caalamiga ah, waxay Qaramada Midoobay u sheegtay in hadii aanay jeebka gacanta galin ay sanadka 2022 noqon doono mid musiibo lagu xasuusto gobolo badan oo dunida ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga