Qaramada Midoobay waxay baadhitaan qoto dheer ku bilaabaysaa markab Tukriga laga leeyahay oo ku xidhay xeebaha Soomaaliya gaar ahaan deegaanada ay maamsuho kooxda alShabaaab.
Markabka ayaa sidoo kale dib uga shiraacday xeebahaas bishii August ee sanadkii dhamaaday ee 2021 oo uu joogay 24 saacadood, balse Qaramada Midoobay ayaa shaki iyo tuhun badan ka muujisay markabkaas. Waa deegaano u dhaw Cadale, Shabeelada Dhexe.
Qaramada Midoobay waxay baadhaysaa in markabkani uu siday saanado hub iyo sidoo kale sababta keentay in dergaan ay alShabaab maamusho uu ku sugnaa hal maalin oo dhammaaystiran.