Xaaladda xadka u dhexeeya wadamada Poland iyo Pelarus ayaa sii xumaanaysa iyadoo Poland ku adkaysanaysa in aanay muhaajiriinta xadka dhoobani soo gelin dalkeeda.

Dadka muhaajiriinta ah ayaa teendhooyin ka dhistay xadka iyagoo diiday in ay noqdaan, taas oo keentay in dawladda Poland-na ay ciidamo dheeraad ah keento xadka Pelarus ay la wadaagto.

Badi dadkan ayaa ka yimi Ciraaq, Suuriya iyo Yemen halka sidoo kale dad aan badnayn oo Soomaali iyo qawmiyado kaleba lihi ay ku jiraan.

Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa dawladaha usoo jeedinaya in aanay dayicin dadkaas, oo badi imika sahaydu ay gabaabsi ka tahay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga