Dawladda Qadar ayaa war kasoo saartay qaraxii shalay galinkii hore ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo si kulul u cambaaryasay qaraxa.

War kasoo baxay Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Qadar ayaa lagu sheegay in dawladda Qadar ay ka xuntahay weerarkaas, isla markaana u tacsiyaynayso dadkii ku waxyeeloobay qaraxa oo ka dhacay mid ka mid ah iridaha laga ilaaliyo madaxtooyada Soomaaliya.

Shalay ayay ahayd markii 10 qof lagu dilay halka dad kalana lagu dhaawacay qarax ka dhacay is-goyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho, halakas oo ay kooxda alShabaab sheegatay masuuliyadda weerarkaas.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga