Kulankan Sida Weyn Isha Loogu Wada Hayo Ee Dhex Maraya Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump Iyo Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-Un Ayaa Ka Dhici Doona Hoteel Ku Yaalla Jasiiradda Sentosa Ee Dalka Singapore Sida Uu Shaaciyay Aqalka Cad Ee Looga Arrimiyo Maraykanka.

Kulankan Oo Noqon Doona Marka Uu Dhaco Mid Taariikhi Ah Ayaa Lagu Wadaa In 12 Juun Ay Isku Arkaan Labada Hogaamiye, Laakiin Ilaa Iyo Hadda Lama Hayo Wax Macluumaad Ah Oo Intaa Dhaafsiisan.

Waaa Markii Ugu Horeysay Oo Ay Is Arkaan Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Iyo Madaxweynaha Mareykanka, Trump Wuxuu Sheegay Talaadadii In Qorsheyaashu Ay “Si Wanaagsan U Socdaan”.

Xoghayaha Dhanka Saxaafadda Ee Aqalka Cad Ee Looga Arrimiyo Dalka Maraykanka Sarah Sanders Ayaa Twitter-Ka Ku Xaqiijisay In Shirku Uu Ka Dhici Doono Huteelka Capella.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga