Waxay ahayd maalintii shalay ahayd, markii uu kasoo hor muuqday maxkamad kutaal magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Soodaan, madaxwaynihii hore ee dalkaas Cumar Xasan Al-Bashiir.

Madaxwayne Al-Bashiir oo soodaan soo maamulayay soddonkii sanno ee ugu dambeeyay, ayaa dembiyada loo haysto ay kamid yihiin musuqmaasuq baaxad leh, iyo kicinta rabshado lagu dilay dadk kasoo horjeedsaday, oo ay shacabkiisu sameeyeen.

Madaxwayne Al-Bashiir oo ay da’diisu tahay 75 sanno jir, ayay dadkiisu ku kaceen kadib markii ay xukuumaddiisii kordhisay qiimaha roodhida, taasoo aakhirkii sababtay inuu Militarigu la wareego talada dalka.

Hore ayay maxkamadda dembiyada caalamiga ah ee ICC ugu soo oogtay Al-Bashiir dembiyo la xidhiidha xuquuqda Bini-aadamka, qaar kamid ah dadka reer Soodaan ayaa sheegay inaanay ku filnayn maxkamadayntii shalay dhacday oo keliya ahi la xisaabtanka madaxwaynaha hore, balse loo baahan yahay wax intaa ka badan.

Qareenka u doodaya madaxwayne Al-Bashiir oo magaciisa layidhaa Axmed Ibraahin Al-Daahir, ayaa warbaahinta u sheegay inuu ku kalsoon yahay inuu madaxwayne Al-Bashiir ku guulaysan doono maxkamadda.

Axmed Maxamuud Yuusuf

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga