Maanta waxay ahayd maalin Ciid ah, muslimiinta adduunyada oo idil ayaa faraxsanaa iyagoo madaxda dalalka muslinka ahina ay hambalyo iyo bogaadin u dirayeen shucuubta Islaamka meel kasta oo ay ka joogaan adduunka.

Dirista hambalyada munaasabadda Ciidal-Adxa, kumay koobnayn madaxda dalalka Muslimiinta ah oo keliya, raysal-wasaaraha dalka Kanada Justin Trudeau, ayaa muslimiinta Kanada iyo adduunkaba ugu hambalyeeyay muunsabadda Ciiidal-Adxa.

Raysal-wasaare Trudeau wuxuu sheegay in munaasabadda Ciidal-adxa ay tahay maalin Alle bari, taasi oo badanaa ah maalin ay qoysaska iyo dadka isjeceli isku yimaaddaan si ay u wada tukadaan, cunto u wadaagaan, raashinna ay u siiyaan dadka baahan kana mahadnaqaan barakooyinka nolosha.

Raysal-wasaaraha Kanada waxaa uu sheegay inuu ogyahay in qaar badan oo kamid ah dadka muslimiinta ahi, aanay sannadkan awoodin ka qaybqaadashada cibaadada Xajka, taasina ay dhib tahay haddii aad qorshaysatay ka qayb-qaadashada markii koowaad.

Justin Trudeau, raysal-wasaaraha Kanada waxaa uu ku nuuxnuuxsaday ahmiyadda ay leedahay in la ilaaliyo talooyinka caafimaad ee la xidhiidha xanuunka Covid-19, taasi oo bulshada badbaadin karta, isagoo muslimiinta Kanada ku amaanay doorkooda shariifka ah.

Dhanka kale, raysal-wasaaraha boqortooyada Ingiriiska Boris Johnson, ayaa u rajeeyay ciid wanaagsan guud ahaan muslimiinta Britain iyo adduunkaba.

Raysal-wasaare Johnson waxaa uu xusay qiimaha muslimiinta Britain u leeyihiin UK, isagoo si wayn uga mahadceliyay sabirkii iyo dhabar-adayggii ay muujiyeen muddadii xayiraadaha Coronavirus-ku jireen, oo ay kusoo beegantay bishii Ramadaan.  

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga