AHUN Prof. Cali Khaliif Gallaydh qaar kamid ah ehelkiisa, ayaa sheegay inaanay rumaysnayn inuu u geeryooday cudurka Covid-19, kaasi oo ay masuuliyiinta gobolka Soomaalidu ay sheegeen inuu u geeryooday.
Mukhtaar Xaamud oo kamid ah ehelka marxuumka, ayaa yidhi: “Anaga ayaa codsaneyna in naloo baaro. Baaritaanka dambe waxaa lagu sameynayaa meeshii la isla qaata ama meesha loo qaadayo ee lagu aasayo ee macquulka noqota,”.
Mukhtaar ayaa laanta afka Soomaaliga ee idaacadda BBC u sheegay:

“Calooshaa laga qabtay, wuu shubmay wuu fuuq baxay. Isaga ayaa inoo sheegay. ‘Cuntadaas is dhaaftay ayaan u maleynayaa sababta xanuunka’, ayuu nagu yiri. Cuntadan maxay sii tahay? xaggee ka cunay? arrintaa ma aanan gelin marka arrin fudud ayaan iska moodeynay markii hore, waxaana is laheyn wuu iska dhammaani.”

“Covid-19 waa naloo sheegay in uu u geeriyooday laakiin anagu arrintaas mid aan aamisanahay ma aha”, ayuu yiri.

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga