Dalka Ruushka ayaa markii ugu hroaysay shaaciyay in uu diyaar u yahay taageero uu siiyo Soomaaliya.

Madaxweynaha Ruushka, Vladamir Putin, ayaa hadalkan u sheegay danjiraha Soomaaliya ee waddanka Ruushka oo dhawaan gaadhay magaalada Moscow halkaas oo uu kula kulmay Putin.

Putin wuxuu xusay in ay diyaar u yihiin in Soomaaliya ay ka gacan siiyaan sidii ay uga adkaan lahaayeen kooxaha loo yaqaano argagxisada oo Soomaaliya ay sanado badan la dagaalamayso.

Ruushka iyo Soomaaliya ayaa lahaa xidhiidh iyo saaxiibtinimo dhaw balse 30-kii sanno ee tegay ayuu hoos u dhacay xidhiidhka labada dhinac.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga