Madaxweynaha waddanka Ruushka ayaa war cusub kasoo saaray dagaalka Yukrayn gaar ahaan dagaalka ka socda magaalada Mariupol.

Vladamir Putin wuxuu go’aan kusoo saaray in aan la weerarin aaga warshadaha ee Maiupol oo ay ku dhuumanayaan askarta ka hadhay kuwii difaacayay magaalada Mariupol. Wuxuu sidoo kale amar ku bixiyay in aan la sii dayn karin ciidamada Yukrayn ee ku sugan aaga warshadaha ee Maiupol kuwaas oo diiday in ay is dhiibaan. Putin wuxuu faray ciidamadiisa in ay dhammaan jihooyinka ka xidhaan aaga oo dhan “si aanu hal dukhsi u bixin” waa sida uu hadalka u dhigaye.

Madaxweyne Putin wuxuu sheegay in ciidamada Ruushku ay si buuxda gacanta ugu hayaan magaalada istaraatijiga ah ee Mariupol.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga