Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa la kulmay dhigiisa waddanka Ruushka, waxayna isku arkeen shirka iskaashiga Ruushka iyo Afrika oo ka dhacaya magaalada Sochi ee dhacda badda madow.

Kulanka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Vladamir Putin ayaa qayb ka ahaa soo dhawayn uu madaxweynaha Ruushku u samaynayay madaxda ka socotay qaaradda Afrika.

Saraakiil ka kala socotay labada waddan ayaa shirar gaar gaar ah yeeshay intii uu shir waynaha guud socday, waxayna ka wada hadleen sii xoojinta iskaashiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Ruushka, sida uu sheegay wasiirka arimaha dibaadda ee dalka Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad.

Labada dal waxay soo celinayaan xidhiidhkii dheeraa ee ay hore u lahaayeen, iyadoo Soomaaliya markan doonaysa in dhinacyo badan laga taageero.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga