Dawladda Puntland ayaa soo dhawaysay hadalkii taliyaha ciidamada qaranka Somaliland Nuux Ismaaciil Taani, kaasoo shalay Kaas oo sheegay inay ku faraxsan yihiin ciidamadii Ka goostay dhanka Somaliland ee Ku Biiray Maamulka Puntland, kuwaasoo uu taliyuhu sheegay inay mushaharaadka uun sugi jireene oo aanay waxba qaranka u qaban.

Wasiirka xannaanada xoolaha Puntland Siciid Cismaan Aadan ‘’Siciid Physics’’, oo u warramay Warbaahinta ayaa sheegay in hadalka taliye Taanni uu dan u yahay danaha Puntland ee deegaannada Badhan.

Wasiirka oo hadlayay ayaa yidhi ‘’ Taliyuhu aad buu u mahadsan yahay, nin fiican weeye,
waxaan leeyahay aad iyo aad baad u mahadsan tahay, shaqo fiican baad qabatay, beelihii
kunoolaa bariga Somaliland Fariin fiican baad usoo dirtay, waanannu soo
dhawaynaynaa Fariin-taadda

Wasiirka ayaa soo qaatay ereyadii uu taliyuhu ku hadlay, isagoo sheegay inaan beelahaas la yasi Karin, oo aanay istaahilin ereyada qaar.

Wasiirka ayaa farriin u diray madaxda Somaliland isagoo ugu baaqay inay farriimahaas iyo
farriimo kaleba sii wadaan, wasiirka xannaanada Puntland ayaa sheegay inuu Caarre yahay
halyay, ayna yihiin saaxiib, haddii uu taageero uga baahdana ay siin doonaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga