Maamulka Puntland ee dalka Soomaaliya ayaa war kasoo saaray saraakiisha ugu saraysa gudida doorashooyinka oo qaar ka mid ah ay xilka iska casileen.

Gudoomiyihii gudida doorashooyinka, Guuleed Saalax, ayaa xilka gudoomiyaha iska casilay isagoo ku sababeeyay ‘arimo isaga u gaar ah’.

Puntland waxay sheegtay in wax saamayn ah aanay arintani ku keeni doonin hawlaha doorashada ee maamulkaas, iyo doorashadii tijaabada ahayd ee laga qabtay saddexda degmo ee Ufeyn, Qardho iyo Eyl.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga