Sida ay sheegayaan wararka Saab TV kasoo gaadhay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, markabkii shidaalka siday ee Ocean 11, kaasi oo la sheegay inuu hore ugu cilladoobay xeebta degamada Bareeda ayaa soo gaadhay dekedda Boosaaso.

Saab TV ayaa soo xiganaya sarkaalka ka tirsan ciidamada Puntland oo laanta afka soomaaliga ee idaacadda VOA u sheegay in maamulka Puntland uu markabkaas saari doono ciidamo ilaaliya oo geyn doona dekedda magaalada Muqdish.

Markabkan ayaa wuxuu sidaa shidaal u raran ganacsato Soomaaliyeed, wuxuuna ku wajahnaa dekedda magaaladda Muqdisho, haseyeeshee waxaa ku timid cillad dhinaca matoorka ah, taasoo hakisay in uu socodkiisa sii wato.

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga