Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa maanta oo Salaasa ah shir iskugu imanaya kaas oo ka dhacaya magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.
Labada maamul ayaa ka shiraya arimaha siyaasadda Soomaaliya oo imika ay isku mawqif ka yihiin arimo badan oo doorashadu ay ka mid tahay, waxaana la filayaa in ay war kasoo saaraan kulankooda.
Axmed Madoobe, Madaxweynaha Jubaland, ayaa shalay ka degay magaalada Garoowe, balse wax faahfaahin ah dhinacyadu kamay bixin safarkiisa shalay.
Puntland iyo Jubaland ayaa qaadacay shirkii dhawaac ka dhacay magaalada Dhuusamareeb kaas oo Dawladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada u dhaxeeyay. Waxa la filayaa in arimaha doorashooyinka ay ka wada hadlaan labada madaxweyne.