Madaxda maamulada Jubaland iyo Puntland ayaa ku baaqay in dawladda dhexe iyo xubnaha maamul goboleedyadu ay iskugu yimaadaan shir degdeg ah si loo xaliyo arimaha muranka doorashooyinka ee taagan.

Deni iyo Madoobe ayaa soo jeediyay in 30-ka bishan aynu ku jirno ee dhammaadka ah shir ay iskugu yimaadaan dawladda dhexe iyo dawlad goboleedyadu, waxaana hore isku-imaatin noocan ah dedaalkeeda usoo bilaabay xubnaha beesha caalamka oo uu ugu horeeyo ergeyga Qaramada Midoobay, James Swan oo socdaalo ku tegay xarumaha maamul goboleedyada.

Jubaland iyo Puntland waxay soo magacaabeen xubnaha gudiyada doorashada ee dhankooda, taas oo lagu rabo in qayb ahaan khilaafka lagu xaliyo inkasta oo hanaan sharciga baal marsan lagusoo dhisay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga