Waxay ahayd 8-dii bishan Ocotober, markii uu magaalada Jigjiga uu ku geeryooday, Allah ha u naxariistee siyaasi Cali Khaliif Gallaydh oo ahaa siyaasi caan ka haa guud ahaan geeska Afrika geyiga ay Soomaalidu ka degto.

Allah ha u naxariistee Cali Khaliif waxaa uu xilal kala duwan kasoo qabtay Soomaaliya, isagoo ka gaadhay derejada raysal-wasaare, dawladdii ku meel-gaadhka ahayd ee madaxwayne Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Xukuumadda gobolka Soomaalida Itoobiya ayaa hore u sheegtay in Allah ha u naxariistee marxuumku uu u geeryooday xanuunka Coronavirus, kadib maalmo uu bukay, balse qaar kamid ah ehelkiisa ayaa sheegay inaanay aaminsanayn sidaas.

Guud ahaan dadka Soomaalida, ayaa marar badan wax iska waydiiyay halka lagu aasi doono Allah ha u naxariistee Cali Khaliif Gallaydh, kuwaasi oo abbaarayay meelo kala duwan sida magaaladii uu ku geeryooday ee Jigjiga, Laascaanood oo uu ku dhashay, Hargeysa ama Muqdisho.

Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay guddi u saartay qabanqaabada aaska marxuumka Cali Khaliif Gallaydh, iyadoo maantana diyaarad sidda maydka marxuumku ay ka degtay dhabbaha diyaaraduhu ka haadaan kuna soo dagaan ee magaalada Muqdisho.

Naxashka Allah ha u naxariistee Cali Khaliif Gallaydh ayaa la huwiyay calanka Soomaaliya, waxaana diyaaradda kasoo dejiyay maydka, xubno kamid ah ciidanka xoogga Soomaaliya intaasi ka dibna waxaa salaadda janaasada lagaga tukaday mid kamid ah hoolasha ciidanka cirka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in qaar kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho ay xidhnaayeen maanta kuwaas oo ay marayeen baabuurtii sidday maydka marxuumku.

Aaskan Qaran ee loo sameeyay Marxuum Cali Khaliif Galeydh dadka kasoo qeyb galay waxaa ka mid ahaa: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka XFS Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed, Wasiiro, Xildhibaano, Ehelada Marxuumka, Odayaal dhaqameed iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxtooyada Soomaaliya waxay sheegtay in madaxwayne Farmaajo uu uga tacsiyeeyay ehellada marxuumka ee ku sugnaa aaska.

Allah ha u naxariistee Cali Khaliif wuxuu door weyn kasoo ciyaaray siyaasadda Soomaaliya, tobannaankii sano ee lasoo dhaafay.

Dhowr sano kaddib markii ay Soomaaliya xorriyadda qaadatay ayuu si weyn uga soo dhex muuqday saaxada siyaasadda.

1980-kii ilaa 1982-kii AHUN wuxuu soo ahaa Wasiirkii Warshadaha ee dowladdii kacaanka, oo uu madaxweyne ka ahaa – Alle ha u naxariistee -Maxamed Siyaad Barre.

Ka hor inta aan loo magacaabin xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, sanadkii 2000, wuxuu noqday xildhibaan ka tirsan baarlamaankii lagu yagleelay shirkii Carta.

13 bilood markii ay dhisneyd xukuumaddii uu Ra’iisul Wasaaraha ka ahaa, xildhibaannada baarlamaanka ee xilligaas ayaa kala noqday codka kalsoonida.

20-kii bishii August ee sanadkii 2012-kii, Cali Khaliif wuxuu ka mid ahaa xildhibaannadii loo doortay baarlamaanka federaalka Soomaaliya, oo uu ilaa hadda ka mid ahaa ka hor geeridiisa.

Sanadkii 2014-kii, Cali Khaliif waxaa loo doortay madaxweynaha maamulkii la magac baxay Khaatumo.

Ka hor intii aanu u safrin magaalada uu ku geeryooday ee Jigjiga,

Marxuum Cali Khaliif Gallaydh ayaa muddooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Hargeysa isagoo u joogay sii amba-qaadka heshiiskii maamulka Khaatumo iyo Somaliland oo uu wada hadal la galay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga