Markii ugu horeysay waxa ay dad ugu dhinteen caabuqa Shiinaha gudaha waddanka Philippines oo uu hore u gaadhay xanuunkan sida dhakhsaha ah u fidaya.

Nin ka yimi magaaalda Wuhan isla markaana u dhashay waddanka Shiinaha ayaa hadda u geeriyooday caabuqa isagoo ku sugan gudaha waddanka Philippines, arintan oo cabsi galinaysa wadamada kale ee hadda uu gaadhay xanuunku.

Illaa hadda waxa u geeriyooday dad gaadhaya 300 oo qof waxaana uu caabuqu gaadhay dad dhan 14,000 oo kale. Waa arin argagax leh marka la eego sida aan kala joogsiga lahayn ee uu xanuunku u fidayo maalmaha kooban, xili wali aan la helin daawada dhabta ah iyo haybta caabuqa oo ka tirsan bahwaynta virus-ka ee loo yaqaano coronovirus.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga