Dawladda Pakistan waxay balan qaaday adduun dhan $28 million oo ay ugu deeqayso dalka Afkaanistaan oo imika la daalaa dhacaya dhaqaale xumo baaxad leh, xili laga jaray kaalmadii dibadda.

Waa kaalmo iskugu jirta cunto, dawo iyo agab kale oo gargaar oo hdmmaan la gaadhsiin doono shacabka Afkaanistaan.

Cimraan Khaan ayaa kulan la yeeshay saraakiisha dawladiisa iyo ciidamda iyadoo kadib kulanka ay balan qaadeen adduunkan badan ee la siinayo Afkaanistaan.

Pakistan waa dawladaha yar ee xidhiidhka la leh kooxda Daalibaan oo badi wadamada Galbeedku ay u jareen xidhiidhka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga