Ugu yaraan Lix Askari oo ka tirsan Ciidanka la dagaallama maandooriha ee Dalka Pakistaan ayaa Maanta ku geeriyootay 10 kalena dhaawacyo ayaa soo gaadhay markii qarax lala eegtay Gaari ay la socdeen oo Magaalada Chaman ee Gobolka Balochistan.

Razzaq Cheema, oo ka mid ah Saraakiisha Boliiska ee Dalka Pakistaan ayaa sheegay in laba ka mid ah Dadka dhaawacmay ay xaaladdoodu halis tahay.

Wararka ka imanaya Pakistan ayaa sheegaya, in bartilmaameedku uu ahaa ciidamada la dagaallama maandooriyaha, iyadoo goobtuna ay ahayd suuq aad u mashquul badan.

Dad goobjoogeyaal ah, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay, in dhaawac soo gaadhay qaar kamid ah dhismeyaashii u dhawaa goobta qaraxu ka dhacay.

Wasiirka arrimaha gudaha Pakistan oo ka hadlay qaraxan ayaa sheegay in la rabay cabsi lagu abuuro dadwaynaha, balse aanay taasi u suurtogalayn kusii soo maleegay qaraxa ayuu yidhi wasiirku.

Ma jirto cid sheegatay illaa hadda masuuliyadda qaraxa, balse koox goonni u goosato kasoo jeedda qowmiyadda Balochi, kuwaasi oo raba madax bannaani, ayaa muddo dheer kacdoonno iyo jabhadayn ka waday deegaankaas.

Ra’iisul wasaaraha Dalka Pakistaan, Cimran Khan ayaa cambaareeyay qaraxa lagu dilay Askarta, wuxuuna Alle ugu baryay Dadka dhaawaca ah inuu bogsiiyo kuwa dhintana uu u naxariisto.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga