MDC-T Cross Over Rally which happened at an open space between Rainbow Towers Hotel and Portraz which is named by the MDC as the Freedom Square, 29 July 2013

Doorashada Seddex Biood Gudahood Dalka Zimbabwe Ka Dhaceysa ayaa ah Tii Ugu Horreysay Oo La Qabanayo Inta Uu Guddoomiyaha Xisbiga Zanu Pf Noqday, Isaga Oo Xilka Qabtay Bishii Noveber Kaddib Markii Xilka Laga Tuuray Madaxweynihii ugu Muddada Dheer Dalkaaa Ee Robert Mugabe.

Wuxuu Maanta Si Rasmi Ah Uu U Billaabay Ololahiisa Doorashada, Kumannaan Ka Mid Ah Taageerayaasha Xisbiga Zanu Pf Ayaa Ka Soo Qayb Galay Daahfurka Ololaha Madaxweyne Emmerson Manangagwa.

Isaga Oo Halkaa Ka Ballan Qaaday Inuu Kor U Soo Qaadi Doono Nolasha Dadweynaha Oo Dhan, Uuna Ka Shaqeynayo Dalku Siduu U Noqon Lahaa 2030, Dal Uu Dakhligiisu Dhexdhexaad Yahay.

Qorshaha Madaxweynaha Uu Ololahiisa Ku Soo Bandhigay Ayaa Suuragalineysa Warshadihi Xirnaa Oo Dib Loo Furo, Dhaqaalahana Dalkana Lasoo Nooleeyo.

Boodhadh Daraasiin Ah Ayaa Dalka Oo Dhan Lagu Baahiyey, Safaf Dhaadheer Ayay Ku Jiraan Gawaadhi Loo Diyaariyey Inay Howlaha Doorashada Ka Qayb Qaataan Ayna U Dhaqaaqaan Goobihi Looga Tala Galay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga