Waxaa maanta magaalada Addis Ababa heshiis iskaashi ku kala saxiixday Somaliland Iyo  Itoobiya.

Heshiiskan oo ah mid iskaashi oo dhanka saxaafada iyo isgaadhsiinta ah ayaa waxaa ukala saxiixay Wasiirka Warfaafinta Iyo Dhaqanka Iyo Dalxiiska Somaliland Mohamed Muse Iyo Maareeyaha Wakaalada Warbaahinta Itoobiya (EBC) Dr. Negus Mitiku.

Dr. Negus, maareeyaha EBC ayaa sheegay in ujeedada heshiiskani ay tahay sidii laamaha warbaahinta itoobiya iyo somaliland ay isaga kaashan lahaayeen arimaha laxidhiidha dhanka farsamada, tababarada, adeegsiga aaladaha carsiga ah, iswaydaarsiga xogaha iyo maamulada xarumaha warbaahinta.

Heshiiskan ay maanta itoobiya iyo somaliland kala saxiixdeen ayaa ah mid u ogolaanaya in Wakaalada Warbaahinta itoobiya ay xarumo kuyeelato gudaha somaliland.

Dhankakale heshiiskan ayaa ah mid EBC siinaya fursad ay taageero dhankasta ah kusiiso, muuqbaahiyaha, radiyaha iyo mareegaha somaliland.

Waa heshiiskii uhoreeyay ee noociisa ah ee somaliland iyo itoobiya kala saxeexdaan

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga