In ka badan nus milyan qof ayaa laga daadgureeyay xeebaha galbeed ee dalka Maraykanka, kadib dab xoog badan oo burburiyay deegaano badan.

Gobolka Oregon oo kaliya ayaa nus milyanka qof ay ka carareen guryahooda. Kaymaha ayaa holcaya iyadoo kooxaha dab-damintu ay isku dayayaan in ay xakameeyaan dabka oo wali fidaya.

Illaa 16 qof ayaa ku nafwaayay dabka, halka dad ka badanina ay ku dhaawacmeen. Badhasaabka Kate Brown waxay ka digayaa in tirada dhimashadu ay sii kordhi karto saacadaha soo socda.

“Wali ma aanaan arag dab sidan oo kale ah oo gobolkayaga baabiiya” “waanu ognahay khasaaraha, waxaanaanu macluumaadka usoo sheegi doonaa sida aanu u xaqiijino’ ayay tidhi badhasaab Kate.

Gobolada Washington iyo California ayay sidoo kale ka barokaceen kumanaan qof oo kale, oo looga digay in uu dabku gaadho.

Booliska Oregon waxay wadaan baadhitaano ku aadan in dababka kacay qaarkood ay ahaayeen kuwo lasoo maleegay, oo kooxo kale ay ka danbeeyeen. Madaxa booliska ayaa sheegay in ay aaminsanyihiin in dabka la kiciyay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga