Fayraska loo yaqaano Norovirus ayaa looga shakisanyahay in uu ka dilaacay qaybo ka mid ah dalka Ingiriiska, gaar ahaan deegaano hoos taga Glasgow.

Qaar ka mid ah iskuulada deegaanka ayaa la xidhay, kadib markii ardayda lagu arkay astaamaha fayraskan. Sidoo kale qaar ka mid ah shaqaalaha iskuulada ayaa lagu arkay astaamo shubanku ka mid yahay, taas oo keentay in maamulka Maryhill uu fasax galiyo iskuulada.

Norovirus ayaa dadka kaga dhaca caloosha iyadoo muddo laba maalmood ah uu ku bixi karo. Wuxuu sababaa matag iyo shuban.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga