Waxa sii kordhaya walaaca laga qabo noocyo cusub oo ah fayraska Covid-19 ee dunida malaayinka qof ku dilay, iyadoo saynisyahadu ay soo saarayaan digniino joogto ah.

Saynisyahada ayaa warbaahinta qaarkeed u sheegay in nooca fayraska ee ay arkayaan uu yahay kii ugu xumaa eee ay arkaan iyagoo ku tilmaamay mid argagax leh.

Dalka Koonfur Afrika ayaa ka mid ah meelaha lagu arkay nooc cusub oo ah Covid-19 balse ay walaac ka muujiyeen saynisyahanada Koonfur Afrika iyo khubarada kale ee dibadda dalkaasi.

Waxay su’aalo badani ka taaganyihiin in uu fayraskani ka gudbi karo xayndaabka tallaalka iyo in uu dhaafi karo awoodda tallaalka, waana arinta ugu wayn ee cabsida galinaysa saynisyahanada.

Waxa jira hadal hayn badan iyo jawaabo dhawr ah, balse xogta rasmiga ah ayaa u baahan baadhitaan muddo qaadan kara, sida ay qabaan saynisyahanadu.

Noocan cusub ee lagu arkay Koonfur Afrika waxa lagu sheegay mid culus oo aad uga duwan noocyadii la arkay mudadii uu jiray Covid-19.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga