Nooca cusub ee ah fayraska Covid-19 ee lagu arkay dalka Koonfur Afrika ayaa ku fidaya wadamada kale iyadoo wadamada qaar ay imika arkeen kiisas looga shakiyay in uu yahay noocan cusub ee fayraska Covid-19 ah.

Hay’adda caafimaadka Qaramada Midoobay ee WHO waxay u bixisay noocan cusub Omicron.

Dalka Holland ayaa lagu arkay bukaano fayraska Covid-19 qaba oo kasoo duulay dhanka Koonfur Afrika. Waxaaha caafimaadka ee Holland waxay ku warameen in dadka qaar ay qabaan nooca fayraska ee Omicron, taas oo walaac ku abuurtay.

Wadamada dunida ayaa qaadaya tallaabooyin dheeraad ah iyo taxadir kale xili la filayay in sanadkan ay dunidu mar kale isu furmi doonto.

Maryakanka, ingiriiska, Midawga Yurub iyo Israel ayaa ka mid ah meelaha qaaday tallaabooyinka dheeraadka ah ee socdaalka la xidhiidha.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga