Ziona Chana ayaa ku geeriyooday isagoo jira 76 sanno.

Wuxuu ahaa ninka dhalay qoyska ugu ballaadhan dunida ama ugu tirada badan, isagoo ku dhintay gudaha dalka Hindiya.

Ninkan ayaa dunida kaga tagay 38 xaas, 89 caruur ah iyo 36 caruur uu awaw u yahay.

Warka dhimashadiisa waxa xaqiijiyay badhasaabka gobolka Mizoram ee dalka Hindiya.

Ziona Chana waxa muddooyinkii ugu danbeeyay uu u xanuusanayay xanuunada macaanka iyo dhiig karka, oo uu u jiifay.

Guud ahaan tirada qoyska uu ka baxay ayaa lagu sheegay tiradooda 181 qof. Inkasta oo ay jiraan dad kale oo sheegta jagadan ah in ay yihiin qoyska ugu ballaadhan dunida.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga