Maal-qabeenka aduunyada ugu taajirsan, Jeff Bezos, ayaa sheegay in uu qabo aragtida ah in bini aadamku ay u guuraan hawada sare, isla markaana la qorsheeyo sidii loo heli lahaa meere ama aag ay nololi ka suurtagali karto oo aan ahayn dhulka.

Mr. Bezos ayaa ah ninka caalamka ugu hantida badan, waxaana aduunka uu haysto lagu qiyaasaa $125 billion, sida ay qiimaynteedii ugu danbaysay ku sheegtay majaladda Bloomberg.

Ninkan ayaa mar uu waraysi siinayay talafishanka CBS ee Maraykanka tibaaxay in bini-aadamku ay burburinayaan dhulka, isagoo tusaale usoo qaatay arimo ay ka mid yihiin isbedelka cimiladu. Wuxuu soo jeediyay, maadaama ay dadku sii kordhayaan, in la helo meel ka baaldhan dhulka si looga baxo dhibaatooyinka badan ee wasakhawga hawada iyo washaduhu ka mid yihiin ee meeraha dhulka ka jira.

Shirkadda wayn ee isagu uu leeyahay laguna magacaabo Blue Origin oo ka shaqaysa hawada sare ayaa imika qorshaynaysa sidii ay dadka ugu fududayn lahayd in ay dalxiis u tagaan hawada sare. Isagoo Bezos qaba in mustaqbalka la gaadhi karo xili dadku ay u guuraan hawada sare.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga