Si kaftan ah ayuu qof soo eegay ugu yidhi “maxaad la naxday, ma waxaad u malaysay in boorsadayda uu qarax ku jiro”.

Ninkan oo ku sugnaa garoonka Jomo Kenyatta ee magaalada Nairbo ayay ciidamada aammaanka ee dalka Kenya xabsiga u taxaabeen, kadib ereyada uu ku kaftamay ee ‘qarax’ ama ‘bambo’ ku jirtay.

Maxkamadda ayaa ku xukuntay afar bilood oo xabsi ah, iyo $1000 oo lacag ah, iyadoo uu cabsi galiyay dadka agdhawaa, walaw ay isaga ka ahayd kaftan iyo dheel-dheel.

Wuxuu raaci lahaa duulimaad u socday magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, balse wuxuu sababay in gabi ahaanba la joojiyo duulimaadka, isla markaana uu muddo 3-saac ah xidhmo garoonka Jomo Kenyatta oo ah kan ugu wayn guud ahaan dalka Kenya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga