Nin dhallinyaro ah oo u dhashay dalka Kuwait ayaa xabsiga la dhigay  kadib markii uu si been-abuur ah ula haasaaway 30 haween ah, isagoo mid walba u sheegay inuu diyaar u yahay inuu guursado, waxaannu haweenkaas ka dhacay lacag dhan saddex boqol oo kun oo diinaarka Kuwait ah, una dhiganta qiyaas ahaan $997,795 doollar oo ah lacag ku dhaw hal milyan oo dollar.

Sida ay baahisay warbaahinta gudaha Kuwait oo uu soo xigtay wargeyska Gulf News, ninkan da’yarta ahi waxa uu 30-ka dumarka ah mid walba la sheekaysanayey in muddo ah, si uu qalbigeeda u hanto, isagoo markii uu ogaaday inuu hablahaas jacayl ku beeray si been-abuur ah ugu sheegtay inuu ku hawlan yahay aasaaska shirkad gaar ah oo uu leeyahay, kadibna waxa uu haweenkaas mid walba ka codsaday inay shirkaddiisa kula soo biirto, si ay u wada yeesheen, waxaannu ka qaaday lacago aad u badan, iyadoo isku darka lacagta uu 30-kaas dumarka ah ka dhacay ay dhan tahay ilaa hal milyan oo dollar.

Hasayeeshee, markii uu mid walba lacagtii ka qaatay ayuu telefoonnadii ka xidhay, haasaawihiisii joogtada ahaana ka jaray, in muddo ah markii ay mid walba war iyo wacaal ka wayday wiilkii jacaylka ku beeray, lacagtana ka qaatay ayey dacwado u gudbiyeen hay’adaha Ammaanka dalka Kuwait, si loo soo qabto ninka ay ku doodeen inuu dhacay.

Baadhitaan dheer kadib waxa ay boolisku ku guulaysteen inay ninkaas dhallinyarada ah soo xidhaan maalintii shalay, iyadoo loo jaray rumaan toban maalmood ah, si loogu sameeyo baadhis dheeraad ah, kadibna loogu soo ogo dacwad rasmi ah oo la xidhiidha inuu galay dambiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin inuu haasaawe khiyaamo ah kula kacay dumarka, jacayl been ah ku beeray, qalbigoodiina xaday, kuna guulaystay inuu haddana maalkooda dhacayo, maadaaama oo uu mid walba si khiyaamo ah uga qaatay lacago aad u badan.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga