Boqor Axmed Iimaan Warsame, ayaa ka hadlay halka ay marayso hawsha hooballadda caanka ah ee Nimco Yaasiin Warsame iyo gabadh sheegtay inay walaalo yihiin oo layidhaa Adeega Yaasiin Carraale, taasoo sheegtay inay fannaanaddu ahayd walaasheed.

 

Boqorka oo ka hadlayay ayaa yidhi: ‘’ Waxaan shirkan jaraa’id u qabtay barnaamij ay dad shaqo ka dhigteen oo ay soo celcelinayaan, gabadh fannaanad ah oo layidhaa Nimco Yaasiin Carraale, oo mar arrinteedu saxaafadda soo gashay, xalna laga gaadhay iyada iyo gabadha Adeega ay yidhaahdaan, oo arrintoodu imika taal maxkamadda degmada Hargeysa, oo ay labadooduba raalli iskaga noqdeen, Nimcona ay laba bilood halkan u fadhiday in laga qaado, adeegina ay raalli ka noqotay, muddona loo qabtay’’

 

Boqorka ayaa u soo jeediyay in dadka arrinkan sida xun u dhigaya ee shaqada ka dhigtay waa sida uu hadalka u dhigaye inay ilaahay ka baqdaan oo ay dumarkan faraha ka qaadan.

 

Boqorka ayaa xusay inay Nimco Yaasiin iyadu dalbatay inay sifo sharci ah ku kala baxaan Adeega.

 

Saab TV, kala soco wararkii ugu dambeeyay oo xaqiiqo ah iyo barnaamijyo xul ah.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga