Warar laga helayo wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Nigeria, ayaa sheegay inay dawladda dalkaasi ka baaraan degayso, inay lasoo noqoto safiirkeeda u fadhiya dalka Koonfur Afrika,.
Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Nigeria, ayaa warbaahinta u sheegay in illaa hadda xogaha soo gaadhayaa ay sheegayaan inaanay weli cidi kaga geeryoon rabshadaha ajaanib nacaybka ku salaysan ee ka socda Koonfur Afrika.
Madaxwaynaha dalka Nigeria, Mohamadu Buhari, ayaa ergay gaar ah u diray dalka Nigeria si buu yidhi uu ugala hadlo madaxda dalkaas Koonfurta Afrika, inay wax ka qabtaan dhibta jirta.
Weerarro ka dhan ah shisheeyaha ka xoogsada dalka Koonfur Afrika, ayaa baraha bulshada si aad ah u qabsaday, dalkaas Koonfurta Afrika ayaa dadka lagu laayay waxaa kamid ah Soomaali badan, kuwaasoo dalkaas u shaqo iyo nolol doontay.
Kala soco wararkii ugu Dambeeyay Saab TV.