Saddex qarax ayaa ka dhacay ugu yaraan 19 qof ayaa ku dhintay, weerar lagu qaaday suuq kalluunka lagu iibiyo oo ku yaala waqooyi-bari Nigeria, sida ay sheegeen mas’uuliyiintu.

70 qof oo kale ayaa la dhaawacay markii dadkii weerarka soo qaaday ay ku qarxiyeen waxyaabaha qarxa magaalada Maiduguri ee gobolka Borno, sida ay sheegeen bilayska.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka, laakiin isticmaalka bam-gacmeedyada waxaa lagu yaqaana Boko Haram, oo dagaal kula jirtay dawlada Nigeria tan iyo 2009-kii.

Laba masuul, oo ka tirsan Ciidanka Wadajirka ah (CJTF) oo ka caawinaya ciidamada Nigeria inay ka xoreenyaan waddanka kooxda Boko Haram, ayaa sheegay in Qaraxyadu ay ahaayeen kuwo si aada looga maqlaayay hareeraha magaalada

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga