Afhayeenka aqalka Koongareeska wadddanka Maraykanka ayaa gabi ahanaba jeex-jeexday khudbaddii uu akhriyay madaxweyne Trump oo uu nuqul ka mid ah siiyay intii aanu bilaabin hadalka.

Donald Trump ayaa qudbaddiisa sanadlaha ah ee uu dadka Maraykanka kula hadlo ka jeediyay aqalka hoose ee baarlamanka Maraykanka, halkaas oo habeenkii xalay ahayd si toos ah loo baahinayay.

Khudbadda ayuu kaga hadlay arimo badan, balse arrinta xiisaha leh ayaa ahayd markii uu gacan qaadi waayay gudoomiyaha aqalka gabadha lagu magacaabo Nancy Pelosi, oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga. Waxay markii danbe isagoo qudbadda wada, hortiisa ku jeex-jeexday nuqul ka mid ah khudbaddiisa, xili uu barbar taagnaa madaxweyne ku xigeenka Maraykanka, Mike Pence.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga