Sida uu kusoo warramayo weriyaha Saab TV ee magaalada Beledwayne Cabdishakuur Maxamed Xasan, guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee baarlamaanka Hirshabelle Canab Axmed Ciise, ayaa farriin qoraal ah u dirtay xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle, taasi oo ay ku farayso inay magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabelle soo galaan 19 bishan oo ku beegan maalinta arbacada ah.

hayeeshee daqiiqado kooban kadib markii ay fariintaasi gudoomiye-ku-xigeenka u dirtay xildhibaanada, ayaa waxaa isaguna dhankiisa fariin u ku baajinayo qoraalka guddoomiye-ku-xigeenka u diray xildhibaanada, guddoomiyaha baarlamaanka, waxaana qoraalka gudoomiyaha baarlamaanka Cismaan Bare Maxamed kasoo baxay lagu yidhay: ”dib ayuu u dhacay kulankii baarlamaanka waxaana dib kasoo sheegi doona gudoomiyaha baarlamaanka”.

Qar kamdi ah xildhibaanada daqiiqadaha kooban ay labada fariin iskaga daba direen gudoomiye ku xigeenka 2aad oo Jowhar joogta iyo guddoomiyaha oo isaguna Muqdisho jooga, ayaa sheegay inuu yimi khilaafkani, kadib markii maanta ay kulmeen gudoomiyaha baarlamaanka Cismaan Bare Maxamed iyo madaxweynaha hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo mudooyinkii dambe is khilaafsanaa mana jirto wax war ah oo kasoo baxay kulanka gaar ah ee dhaxmaray guddoomiye Bare iyo madaxweyne Waare, sida uu kusoo warramayo weriyaha Saab TV Cabdishakuur Maxamed Xasan. wararka kale ayaa sheegaya inu madaxweyne-ku-xigeenka kulanka goobjoog ka ahaa.

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga