Khilaaf xoogan ayaa ka jira doorashooyinka dalka Soomaaliya iyadoo khilaafku gaadhay lagasoo bilaabo gudida doorashooyinka illa amaamul goboleedyada.

Xuddunta khilaafkan ayaa ah danaha is diidan ee daneeyayaasha doorashada kuwaas oo qolo waliba ay rabto in sida ay jeceshahay wax loo maamulo.

Raysalwasaare Rooble wuxuu shaqada ka joojiyay laba ka mid ah gudida doorashooyinka, halka ay gudidu wado shahaado siinta xildhibaanada la isku khilaafay ee ay sii daayeen liiskooda.

Maamulka KoonfurGalbeed ayaa ku dhawaaqay in ay wada shaqyanta kala laabteen raysalwasaare Rooble oo ay ku eedeeyeen in uu leexiyay shaqada gudida doorashooyinka.

Rooble ayaa dhankiisa soo saaray digniin ku wajahan cid kasta oo carqaladaysa doorashada isagoo farriin gaar ah u diray ciidamada amniga.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga