Madaxwaynaha dalka Maraykanka Donald J. Trump, ayaa waxaa amar ku siiyay shirkadda loosoo gaabiyo magaceeda GM inay bilowdo samaynta bishiinnada neefsashada ka caawiya bukaannada xilli dalka Maraykanka uu si wayn ugu sii faafyo cudurka Coronavirus amaba Covid-19.

Xeerka uu adeegsaday madaxwayne Trump ayaa layidhaa War-era Defense Production Act, kaas oo ay dawladda Maraykanku adeegsan jirtay xilligii uu socday dagaalkii Kuuriya, xeerkaas oo awood u siinaya dawladda Maraykanku inay ku qasbi karto shirkadaha inay sameeyaan qalabka difaaca ee ay u baahan tahay dawladda Marayanku.

Maraykanka, ayaa imika ah dalka ugu kiisas badan ee cudurka Coronavirus, iyadoo dadka uu asiibay ay ka badan yihiin 100,000 oo qof, madaxwayne Trump ayaa sheegay in loo baahan yahay in la badbaadiyo nolosha dad Maraykan ah.

Madaxwayne Trump waxaa uu dhaliilay shirkadda General Motors iyo hoggaankeedaba, Trump ayaa ugu baaqay shirkaddan caanka ku ah samaynta baabuurta, inay si degdeg ah u bilowdo samaynta mishiinnada neefta ee ventilators-ka loo yaqaan, kuwaas oo neefta ka caawiyo bukaannada aadka u il daran.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga