Dunidu waxay cambaaraysay isku-daygii af-gembi ee ka dhacay dalka Guinea-Bissau iyadoo uu fashilmay af-gembigii lala rabay dawladda dalkaas.
Badi wadamada Afrika gaar ahaan wadamada galbeedka Afrika ayaa si adag waxay u cambaareeyeen isku dayada lagu rabay in mesha lagaga saaro dawladda madaxweyne Umaro Sissoco Embalo.
Tiro saraakiil ciidan ayaa lagu dilay is rasaasayn xoogan oo saacado badan socotay magaalada caasimadda ah ee Bissau, xili madaxweynahu uu shir gudoominayay kulan ay iskugu yimaadeen Golaha Wasiirada ee dalka Guinea-Bissau.
Kooxaha weerarka qaaday waxay rabeen in ay gudaha u galaan dhismaha ay ku shirayeen Golaha Wasiiradu, soona qabtaan madaxweyne Umaro Sissoco Embalo.
Dawladda Guinea-Bissau waxay isku-daygan ku macnaysay mid ay ka danbeeyeen kooxaha ka ganacsada daroogada oo abaabulay ciidamo badan, balse weli xogaha laga hayo ayaa ah qaar xadidan.