Madaxweynaha Maraykanka ayaa sawir ay dad badani siyaabo kala duwan uga fal-celiyeen soo dhigay barihiisa bulshada sida Facebook iyo Twitter.

Donald Trump ayaan wali la ogayn ujeedada rasmiga ah ee ku kaliftay in uu sawiradan baahiyo, xili aanay ahayn muuqaalka rasmiga ah ee jidhkiisa.

Sawirka ayuu asal ahaan lahaa jilaa iyo feedhyahan reer Maraykan ah, balse Trump ayaa kurta ka jaray sawirka kadibna ku bedelay kiisa, arintan oo keentay in bulshada caalamku ay siyaabo akal duwan uga hadasho isla markaana uu sawirku dhex wareego baraha bulshada.

Madaxweyne Trump ayaa muuqaal ahaan aad uga duwan ka uu soo dhigay, xili isaga aanu jidhkiisu dhisnayn sida kan uu isku ekaysiiyay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga