189 mudane oo katirsan golaha shacabka, ayaa soo xaadiray, xildhibaannada golaha sare ma soo xaadirin goobta, guddoonka golaha shacabkuna, wuxuu sheegay in aanay jirin wax muddo kordhin ahi.
Madaxwayne Farmaajo khudbaddiisa, ayaa kusoo dhamaatay jewi deggan, waxaa uu sheegay in wakhtigoodii dhamaaday, isla markaana ay gaadhi doonaan go’aan masiiri ah, yihiinna dal madax bannaan.
Wuxuu sheegay inay sameeyeen tanaasul walba, balse hoggaamiyeyaasha Jubbaland iyo Puntland, ay mar walba ka hor imanayeen arrin walba, isla markaana sida uu sheegay ay jiraan farogelin shisheeye.
Xildhibaannada ayuu usoo jeediyay inay gacan ka gaystaan sidii loo qancin lahaa labada madaxwayne, isagoo sheegay rejada ah kulamo dambe.
8-da bishan, ayay ku egtahay muddo xileedka madaxwayne Farmaajo, weliba xal lagama gaadhin doorashada Soomaaliya, taasi oo beesha caalamku si wayn uga warwarsan tahay.
Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga