Magaalada Muqdisho waxa hadda ka socda shir heer sare ah oo lagaga hadlayo arimaha Soomaaliya.
Shrikan oo ay qayb ka yihiin wadamada daneeya arimaha Soomaaliya ayaa lagaga hadalayaa ammaanka, horumarka iyo geedi-socodka dimuqraadiyadda waddanka Soomaaliya.
 
Raysalwasaare ku xigeenka dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u daahfuray shirka, wuxuuna socon doonaa muddo laba maalmood ah.
Waxa wehelinayay ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, iyo ergeyga Midawga Afrika.
 
Ammaanka magaalada caaasimadda ah ee Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay.
 
Maalinta berri ah oo shirku uu soo xidhmi doono ayaa la filayaa in ay kasoo qyab galaan madaxweynaha iyo raysalwasaaruhu.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga