Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa saaka inuu safar ugu baxo dalka Jamhuuriyadda Jabbuuti.
Ujeedka safarka madaxwayne Biixi uu ku tegayo halkaasi, ayaan waxaa ka hadashay madaxtooyada Somaliland, waxaanay ku sheegtay in: ”
Madaxwaynaha Somaliland ayaa ku sugnaa Jabbuuti bishii Juun sannadkan, markaasi oo uu halkaasi kaga qayb-galay wada hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaasi oo uu martigeliyay madaxwaynaha jamhuuriyadda Jabbuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle.
Socdaalka madaxwaynaha Somaliland ayaa sidoo kale kusoo beegmaya, kadib markii uu Jabbuuti kusoo dhamaaday shirkii urur-goboleedka IGAD, kaasi oo a ku kulmeen madaxwayneyaasha dalalka xubnaha ka ah urur-goboleedkaasi, iyagoo kaga wada hadlay arrimo ay kamid yihiin dagaalkii gobolka Tigrey ee dalka Itoobiya, xiisadda diblumaasiyadeed ee Kiiniya iyo Soomaaliya iyo wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.
Somaliland ayaan rasmi u shaacin inay ka baxday wada hadallada, iyadoo illaa inta laga warqabo kooxihii farsamada ayaan ku shirin Jabbuuti, taasi oo muujinaysa calaamad in ay istaageen wada hadalladu, illaa haddana ma cadda in safarka madaxwayne Biixi uu ka dhashay shirkii urur-goboleedka IGAD.