Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qasriga madaxtooyada Somaliland kula kulmay guddida komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland.

Qoraal lagu daabacay barta Facebook ee madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay sidan:

”WAR-SAXAAFADEED: 25/08/2020

Madaxweynaha Oo Kulan la qaatay Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qasriga madaxtooyada kulan kula qaatay guddida komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland.

Guddida Komishanka doorashooyinka qaranku waxay madaxweynaha uga warbixiyeen hawlaha qabsoomidda doorashooyinka isku-sidkan ee golayaasha wakiillada iyo deegaanka oo ay hore u soo saareen jadwalkii diwaangelinta codbixiyeyaasha iyo doorashooyinka, iyagoo xusay inay u bandhigeen xisbiyada qaranka, waxana ay sheegeen inay ka go’an tahay sidii ay doorashooyinku ugu qabsoomi lahaayeen xilliga ay muddeeyeen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu ku bogaadiyey dedaalka ay ugu jiraan diyaarinta qabsoomidda doorashooyinka, wuxuuna ku dhiirrigeliyey inay xaqiijiyaan sidii ay doorashooyinkaasi dalka uga qabsoomi lahaayeen, isagoo ku adkeeyey inay dardar-geliyaan diyaarinta diwaangelinta codbixiyeyaasha iyo hawsha qabsoomidda doorashooyinka.

Ugu danbayn waxa kulankaas madaxweynaha iyo guddida doorashooyinka qaranku isla meel dhigeen in si wada-jira loo wajaho qabsoomidda doorashooyinka”

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga