Garsooraha Soomaaliga ah ee Cabdulqawi Yuusuf kana tirsan maxkamadda ICJ ee Cadaalada Dunida, horena usoo noqday madaxweynaha maxkamadda, ayaa ka hor yimi go’aanka maxkamadda ee ay ku xukuntay muranka u dhexeeyay wadamada Soomaaliya iyo Kenya.

Cabdulqawi ayaa qaba in maxkamadda ICJ ay ku khaldantaay in biyo ka mid ah kuwa Soomaaliya ay siiso Kenya, xataa ha yaraadaane, taasina aanay ahayn shaqo u taala iyaga ee laga rabo oo kaliya in ay ka gar naqaan cidda iska leh biyaha la isku hayay.

Kenya ayaa la siiyay biyo aan badnayn oo ah kuwa Soomaaliya, taas oo lagu sababeeyay in Kenya ay noqonayso dal xidhan hadii xariiqda Soomaaliya la raaco.

Dhanka kale, rayslawasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa arintan ku sifeeyay in ay tahay si go’aanka loogu wada qanco.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga