Madaxweynaha Jamhuriyadda Somaliland ayaa soo dhawayn ballaadhan kala kulmay magaalada Addis Ababa ee caasimadda waddanka Ethiopia, halkaas oo uu maalintii shalay ahayd ku tagay booqasho noqonaysaa tii ugu horeysay ee uu ku tago magaalada Addis tan iyo markii uu xafiiska yimi sanadkii 2017-kii.

Muuse Biixi Cabdi ayaa lagusoo dhaweeyay hab-maamuus heer sare ah oo la mid ah kii lagusoo dhaweeyay amdaxda ka qayb galaysay shirka Midawga Afrika ee magaalada Addis ka socda, waxaana la filayaa in uu kulamo la qaato qaar ka mid ah madaxda Afrika iyo caalamka ee shirka imanaysa.

Lama oga sababta xiligan kusoo beegtay booqashada madaxweynaha, balse waxay u muuqataa in uu qadiyadda madax banaanida ee Somaliland usoo bandhigayo hogaamiyayaasha qaaradda ee ka qayb galaya shir madaxeedka Afrika, maadaama aan wali la aqoonsan Somaliland oo sheegtay in ay Soomaaliya ka go’day sanadkii 1991-kii.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga