Fatemeh Khishvand oo dadku ku garan ogyahay Sahar Tabar ayaa mar keliya caan noqotay kadib markii ay sawirka wejigeeda oo si wayn is bedelay ay soo gelisay barteeda bulshada ee Instagram.

Gabadhan u dhalatay Iiraan, ayaa ujeedka ugu wayn ee ay wejigeeda u bedeshay ahayd sidii ay ugu eekaan lahayd atariishada caanka ka ah Hollywood iyo adduunkaba ee Angelina Jolie.

Maamuleyaasha dalka Iiraan, ayaa xabsiga u taxaabay October-tii aynu soo dhaafnay iyadoo lagu soo eedeeyay inay ku kacday dembiyo ka dhan ah dhaqanka iyo qiyamka bulshada.

Qareenkeeda oo warbaahinta la hadlay, ayaa waxaa uu sheegay inuu asiibay xanuunka safmarka ah ee Coronavirus, iyadoo lagu karantiilay goob kamid ah isla xabsiga.

Maamulaha xabsiga ay ku jirto, ayaa beeniyay warka abu-kaataheeda, isagoo sheegay inaan haba yaraatee laga helin Covid-19, balse qareenkeeda ayaa ku adkaysanaya in cudurka laga helay.

Haayadaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa ku andacoonaya in oodda laga qaado Fatemeh, balse Iiraan ayaa gabadhan ku eedaysay mid bedeshay abuurtii ilaahay.

Guud ahaan 82,000 oo qof ayaa la xaqiijiyay inuu ku asiibay Coronavirus Iiraan, halka ay u geeryoodeen dad kor u dhaafaya 5,000 oo qof.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga