Madaxweynaha waddanka Uganda ayaa eedaymo u jeediyay kooxo uu sheegay in ay ku suganyihiin wadamada Soomaaliya iyo Kenya.
Yoweri Museveni ayaa waraysi uu siiyay wakaalada wararka ee Reuters wuxuu ku sheegay in qaraxyadii dhawaan ka dhacay Kampala ay lug ku lahaayeen kooxo ku sugan wadamada Soomaaliya iyo Kenya, kuwaas oo gacan saar la leh kooxo kale oo gudaha Uganda ku sugan.
Eedaymaha Museveni ayaa imanaya xili magaalada Kampala ay mudooyinkii danbe wajahaysay qaraxyo joogto ah oo dhimasho iyo haawacba sababay.